Xildhibaanada mooshinka gobolka Banaadir wada iyo gudoonka baarlamanka Somalia oo heshiis gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta saacado hakad ku jiray ayaa ugu dambeyn ka furmay xarunta baarlamanka, ayada oo looga doodayo matalaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare.

Kulanka ayaa hakad galay kadib markii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu is-hortaagay mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas.

Hase yeeshee, waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale.

Si kastaba, saacado kadib, ayaa Guddoonka baarlamanka uu la kulmay Guddi ka socday Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in maanta laga doodda matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la soo gabagabeeyo, isla markaana maalinta Sabtida cod loo qaado.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa qabay in isla maanta cod la geliyo, balse Guddoonka ayaa diidanaa in codeyntaas in xaalad fowdo iyo qas inay horseedo, waxaana la isla meel dhigay in Guddoonka iyo Xildhibaannadab ka soo jeeda Beelaha Hawiye ay caawa shir gaar yeeshaan, Sabtida gelinka horena la ansixiyo.

Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo lasoo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno.

Wararka qaar ayaa sheegayey in Guddoomiye Mursal uu markii hore doonayey inuu arrintan guddi u saaro, si ay sharci gaar ah uga soo tala bixiyaan, balse xildhibaannada mooshinka keenay ayaa aad uga biyo diiday, kuna adkeystay in la mariyo halkii la marsiiyey xeerarkii hore.

Dagaal iyo dood dheer kadib, Mursal ayaa aqbalay codsiga xildhibaanada, kadib markii uu arkay sida ay u tiro badan yihiin iyo inay arrintan ka go’an tahay.