Maxaa ka jira in xilka laga qaaday safiirka Mareykanka u fadhiya ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar soo baxay maalmihii dhowaan oo sheegayey in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto.

Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa idaacadda VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid beddeshay.

“Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku.

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.