Farmaajo oo shacabka ka codsaday inay hal mid wada sameeyaan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka ka codsaday inay hal mid wada sameeyaan.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna.

“Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.”

Waxa uu sidoo kale ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay.

“Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah.