Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka socda iyo qaraxyadii Muqdisho ee caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka illaa hadda naga soo gaaraya weerarka iyo Qaraxyada caawa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli dagaal loo adeegsanayo hub culus uu ka socdo dhismayaasha ku dhow goobta uu qaraxu kadhacay.

Dhismayaashaas qaarkood waxaa deggan dad rayid ah oo ay guri iyo ganacsi u yihiin.

Qaraxa waxaa uu burbur gaarsiiyay Hoteelo, Maqaayado iyo goobo Ganacsi. Qof ku jira dhismayaasha dagaalku kasocdo oo rayid ah ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen kaddib derbi kudumay halka qof kalana ay xabbad kudhacday.

Hoteelada Hillaac UK, Kuweyt iyo Carwada LG ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatada xoogga lihi kasoo gaartay dagaalka iyo weerarka, sidaas oo kalana dhismaha Cabdalle Shiddeeye oo ay deggan yihiin dad rayid ah ayaa isna waxa uu kamid yahay meelaha uu dagaalku dhex socdo, waxaana dhismahaas kujira Carruur, Haween iyo Odayaal waaweyn oo dhismahaas u yahay ganacsi iyo deegaan.

Qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro ah iyo rasaas xooggan ayaa laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka Maka Al-Mukarama, Rasaas xoogan ayaa dhaceeysa gudaha hoteelka.

Hey’adaha Amniga wali war rasmi ah kama soo bixin balse ciidanka gaar ah ayaa goobta ku sugan iyo masuuliyiin ka titsan dowlada Soomaaliya.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com