Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAALKII Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xabad joojin la dhex-dhigay labo beeleed oo maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxa ku naf waayey ugu yaraan 6-ruux oo labada dhinac ah, halka ay 15 qof ka badan ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad dhex-maray maleeshiyaad kala taabacsan labada beelood ee wada dega deegaanadaas.

Xabad joojinta la dhex dhigay beelahaan ayaa waxay imaneysa kadib markii ay saaka ku baxeen deegaanada dabeeyl iyo baladu-amin Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha kuxigeenka ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhinacyada isku horfadhiyey deegaanadaas, kuwaasi oo ay ugu dambeyntii isla qaateen in xiisada lagu dhameeyo jawi nabdoon.

Labada bilood ayaa waxay u balameen wada-hadalo ay ku dhameynayaan muranka ka dhaxeeya ee sababay dagaalka gacan ka hadalka, sida ay Caasimada Online u sheegan xubno ka tirsan wafdiga madaxweyne Hagar.

Dagaal beeleedyada ayaa muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday deegaanada gobolka Hiiraan, wuxuuna maamulku dadaal ugu jiraa sidii loo soo afjari lahaa xiisada dagaal ee ka dhaxeeya maleeshiyaad beeleedyo hubeysan oo isku horfadhiya Beledweyne.