Xog: Imisa jeer ayuu SHARIIF diiday kulanka FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta ayaa afar jeer diiday la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online

Afarta jeer waxaa kulanka soo codsaday Madaxweyne Farmaajo waxaana ugu dambeeyey codsi ka yimid madaxtooyada kadib markii ay Muqdisho gashay xaalad dagaal oo ka dhalatay muddo kororsiga, toddobaad ka hor. Saddexda goor ee hore ayaa ahaa Markii la dhisay Midowga Murashaxiinta, ku dhawaaqistii Madasha Badbaadinta Qaranka, iyo maalmo kadib Markii uu fashilmay Shirkii Dhuusamareeb ee uu ka soo baxay Madaxweynaha.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa laba jeer oo kamid ah codsiyadaan u sheegay in Farmaajo uu waqtiga ka dhamaaday, islamarkaana uusan aheyn Madaxweyne halka labada jeer ee kalane uu sheegay in uu madax u yahay Murashaxiin islamarkaana uu go’aanka Golaha dhaxyaalo. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sheekh Shariif u sheegay in uu si shaqsi ah ugu baahan yahay balse ay suurta geli weysay rajadaas. Farmaajo ayaa laba jeer oo kamid ah codsigiisa usoo dhiibay Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor, halka hal jeerna uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin, marka afaraadna waxaa la sheegay in uu isaga toos u wacay. 

Shariif ayaa ugu dambeyn la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna kala hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mar ahaa saaxiibo inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay aad ukala fogaadeen. Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in dhowr jeer uu weeraray madaxdii hore ee dalka iyo Murashaxiin kale, iyadoo sidoo kale laga hor istaagay safarro badan.