Xabsiyada Baydhaba oo laga buuxiyey dad u xiran Lafta-gareen iyo Farmaajo dartood

Baydhaba (Caasimada Online) – Tobaneeyo qof oo isugu jira shacab, siyaasiin iyo ganacsato ayaa ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kuwaas oo loo haysto in aragti ahaan ka soo horjeedaan hpggaanka maamulka Koonfu Galbeed iyo hab maamulka dalka ee Madaxweyne Farmaajo. 

Inta badan dadka xiran ah ayaa ah dhalinyaro aqoonyahanno ah, kuwaas oo Madaxweyne Lafta-gareen ku dhaliilay sida uu u maamulo maamulka Koonfur Galbeed iyo doorkiisa siyaasadda guud ee dalka. 

Dhallinyarada xiran ayaa u badan kuwa qoraallo soo dhigay Facebook iyo qaar ka hadlay xaflado ka dhacay Baydhaba, waxaana sii kordhaya caburinta dadweynaha ee degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf “Black” oo kamid ahaa baarlamaakii 1-aad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee loo xiro arrimo siyaasadeed, waxaana uu xabsiga ku qaadanayaa muddo ku dhow bil, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu ku dhacay xukun muddo sanado ah. 

Mas’uulkan ayaa dhowr jeer dhaliilay nidaamka maamulka lafta-gareen waxaana sababta loo beegsaday lagu sheegay in uu la shaqeynayay Midowga Musharixiinta mucaaradka iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah, kuwa aan ixtiraamin xorriyadda hadalka waxaana deegaanada maamulka lagu beegsadaa dadka ka aragtida duwan ama kasoo horjeeda is-xulufaysiga Lafta-gareen iyo Farmaajo.  

Warbaahinta deegaanada Koonfur Gaalbeed ayaa ka aamusay wararka iyo xukanka Black, kadib markii cadaadis iyo hanjabaado ay kala kulmeen maamulka Lafta-gareen.