Xog: Beesha Caalamka iyo Rooble oo laba qodob ku heshiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wakiilada beesha Caalamka ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble shalay kala hadleen laba qodob oo quseeya doorashada iyo ammaanka Soomaaliya.

Wakiilada Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegay in wixii doorasho ah iyo amnigaba ay isaga un kala hadli doonaan wixii ka dambeeyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxay u sheegeen in mas‘uuliyadda fashil kasta oo ku yimaada doorashada Soomaaliya ay qaadan doonaan isaga iyo maamul gobaleedyada. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in beesha Caalamka ay Rooble kula dardaarmeen in uu shaqadiisa qabsado, islamarkaana uusan qaadan farogelin kasta oo ay ku sameyso Villa Somalia, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto fashil kale oo ku yimaada doorashada Soomaaliya. 

Safiirada ka socda wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa Ra’iiusl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u ballan qaaday in ay ka taageeri doonaan wax kasta oo quseeya doorashada, sida dhaqaalaha iyo wixii farsamo ah. 

Arrintaan ayaa dhiirri gelin weyn u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo laga sugayo in uu wax ka qabto doorashada waddanka oo muddo sanado ah wajaheysa jahwareer xoog leh, kaasi oo ugu dambeyn sababay dagaal uu dhiig ku daatay.