Wararkii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadda Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gabogebo ah maraya wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ay horay uga dhamaatay muddadii xeer hoostaadka golaha shacabka xaqa u siinayay in ra’iisul wasaaraha uu kusoo magaacabo xukuumaddiisa, ayaa hadda haysta 4 maalin kadib markii loogu daray 10 cisho oo dheeri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa ku jira hadda kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Afarta maalin ee soo socota ayaa lagu wadaa in ra’iisu lwasaaraha uu ku soo magacaabo xukuumad la wareegta talada si looga baxo xilgaarsiinta.