SACIID DENI oo billaabay OLOLE siyaasadeed cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada ee Garoowe kula qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka iyo wakiilada ururada siyaasadda Puntland.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray dardar-gelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ay soo warinayaan illo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Deni ayaa waxa uu guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha xukuumadiisa, ka hor inta uusan ka dhamaan muddo xileedkiisa.

Deni ayaa raba in uu sii dardar-geliyo barnaamijka doorashooyinka hanaanka dimuqraadiga ah, si markale uu ololaha doorashada ugu galo, xili ay u harsan tahay wax ka yar labo sano.

Waxaa xusid mudan intii ay socotay doorashada tijaabada ah ee goleyaasha deegaanka in Deni iyo ururkiisa kuraas badan kaga guuleystay laba kamid ah musharaxiintii uu tartanka la galay 2019-kii.

Sidoo kale waxa uu ururka talada haya ee Kaah uu dhankiisa ku fashilmay dhisida golaha deegaanka Eyl, ayada oo qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland ay doorashadii ugu dambeysay ee saddex degmo ay sheegeen inay hareeyeen wax is-dabamarin.

Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa isla shalay magaalada Garoowe kula kulmay odayaal dhaqameed, ayada oo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn waxxa uu ku saabsanaa wada-hadalkaas oo gebi ahaanba saxaafadu dibad-joog ka aheyd.

Isku soo wada duubo Deni oo u muuqda in uu durtaba diyaarinayo soo laabashadiisa maamulka xili sanado u hadhsan yihiin ayaa waxa caqabado hor leh ku noqday hindisihiisa dhowr arrimood oo xalkooda looga fadhiyo, kuwaasi oo kamid yihiin; sicir bararka, tirakoobka dadweynaha oo aan la sameyn, isku-dhacyada hubeysan ee Boosaaso iyo dilaacida qabaa’ilo aad u hubeysan.