Al-Shabaab oo dishay wiil iyo gabar walaalo ahaa kadibna sheegtay sabab yaab leh

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yalla degaan hoos taga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxay ku dileen wiil iyo garab walaalo ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al-Shabaab ayaa Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo walaalo ahaa maanta ku toogtay degaanka Girileey oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Walaalaha ay toogteen Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Kenya, waxayna goobtii toogashadu ka dhacday isugu keeneen dhamaan dadkii ku noolaa deegaanka oo ehellada labada marxuum ay ku jiraan.

Bayaan ka soo baxay kooxda oo lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay u shaqeynayeen sirdoonka Kenya, deegaanka Giriley ee walaalahaas lagu toogtay ayaa aad ugu dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe, sidaan oo kale fagaare ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Bay, waxay ku dishay 7 nin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamo Kenyaan oo ilaalo u ahaa shaqaale ajaanib ah oo ka howlgala mashruuc dhisme ah oo ka socda gobolka Lamu, gaar ahaan degaanada Boday iyo Ijaara.

War ay weerarkaas ka soo saareen Al-Shabaab waxay ku sheegteen in askar ay ka dileen ciidamada Kenya oo goobta isaga firxaday, sidoo kale labo gaari ayey sheegeen inay goobta uga carareen.