DF oo qiimeyn yaab leh kasoo saartay ciyaal weerada Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warbixin lix biloodle ah, taas oo lagu cadeeyey heerka kala sareynta 5-tii falal dambiyeed ee la diiwaan galiyay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Falal dembiyeedyadii dhacay waxaa ugu badanaa kuwa ay geysteen ciyaal weerarada Muqdisho ka dilaacday bilihii ugu dambeeyey, waxaana dhaca iyo dilalka ay ciyaal weeradu geysteen lagu qiimeeyey 34% dhamaan dembiyadii dhacay.

1,137 falal dembiyeed ayaa la diiwaan geliyey sida lagu soo bandhigay warbixinta, 705 oo dhiganta 68% fal-dembiyeedyadii dhacay ayaa u gudbay maxkamadaha dalka, halka 432 oo u dhiganta 32% dembiyadii dhacay ay weli yaallaan kiisaskooda.

Dembiyada la diiwaan geliyey lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa laga diiwaan geliyey dhinacyada Nafsiga, maaliyadda, maandooriyaha, tacadiyada jinsiga iyo tahriibka.

Dhaca iyo dilalka ciyaal weerada ayaa ugu badan dembiyada la diiwaan geliyey, waxaana lagu qiimeeyey 34%, waxaa ku soo xiga shilalka oo gaaray 21%, dilalka iyo dhaawacyada kale ayaa lagu qiimeeyey 20%, tacadiyada jinsiga ayaa gaaray 17%, halka tuugnimada caadiga ah laga diiwaan geliyey 8%.

Dhacdooyinkaan waxaa la diiwaan geliyey intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Juun ee sanadkaan 2022-ka, sida lagu cadeeyey shax uu soo saaray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowladda.

Hoos ka eeg shaxda