27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee dilka Charlie Kirk iyo qofkii fuliyey toogashada oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Salt Lake City (Caasimada Online) – Waxaa weli socda howlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo ciddii ka dambeysay dilka ninkii u dhaq-dhaqaaqi jiray siyaasadda garabka midig ee Mareykanka, Charlie Kirk, kaasoo lagu toogtay jaamacad ku taalla gobolka Utah, dil kiciyay cabsi laga qabo in ay sii xumaadaan rabshadaha siyaasadeed ee ka jira dalka Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si kulul u dhaleeceeyay waxa uu ugu magac daray “garabka bidix ee xagjirka ah” ka dib toogashada Kirk, oo ahaa cod saameyn leh oo ka dhex jiray siyaasadda muxaafidka ee Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 31 sano oo keliya. Wuxuu ku gooddiyay in tallaabo adag laga qaadi doono kuwa mas’uulka ka ahaa falkan oo uu ku sifeeyay “daqiiqad madow oo soo martay Ameerika.”

“Sannado badan, kuwa ka tirsan garabka bidix ee xagjirka ah waxay dadka wanaagsan ee Maraykanka ah, sida Charlie, ku metelayeen Naasiyiinta iyo dembiilayaasha adduunka ugu waxuushnimada badan,” ayuu yiri Trump oo ay wajigiisa murugo ka muuqatay, isagoo farriin muuqaal ah ka soo diray Xafiiska Oval-ka saacado yar ka dib geerida Kirk.

“Hadallada caynkan ah ayaa si toos ah mas’uul uga ah argagixisanimada aan maanta dalkeenna ku aragno.”

“Maamulkayga wuxuu soo qaban doonaa mid kasta oo ka mid ah kuwii gacan ka gaystay falkan foosha xun, iyo rabshadaha kale ee siyaasadeed, oo ay ku jiraan ururrada maalgeliyay iyo kuwa garabka siiyayba.”

Kirk ayaa Arbacadii qoorta laga toogtay xilli uu ka hadlayay munaasabad ka socotay Jaamacadda Utah Valley University. Muuqaal laga duubay goobta ayaa muujinayay isaga oo la hadlaya dadweyne faro badan markii la maqlay gariirka hal xabad oo rasaas ah.

Ninkan oo ahaa aabbe laba carruur ah dhalay, ayaa u muuqday inuu kursigiisii ku damay ka hor inta aysan kaamiradu si degdeg ah u weecan, waxaana goobta is qabsaday sawaxan iyo argagax.

Waaxda Amniga Guud ee Utah (Utah Department of Public Safety) ayaa sheegtay in ninka toogashada geystay, oo ku labisnaa dhar madow, uu rasaasta ka soo riday saqafka dhismo u dhowaa, tallaabadaas oo ay saraakiishu ku qeexeen “weerar si gaar ah loola dan lahaa.”

Ardayda jaamacadda ayaa falkan ku tilmaamay mid “waalli ah” oo “laga argagaxo.”

“Waxay igu dhalinaysaa inaan aad uga digtoonaado soo bandhigidda aragtidayda siyaasadeed,” ayuu yiri Samuel Kimball, oo ah arday baranayay injineeriyadda software-ka, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

“Haddii aan ahaan lahaa qof ka fekeraya inaan siyaasadda ku biiro, waxaan ka welweli lahaa in la i toogto.”

Warar iska hor imanaya

Gacan-ku-dhiiglihii ayaa weli baxsad ah inkastoo ay baaritaanno guri-guri ah wadeen ciidamada heer federaal, heer gobol iyo kuwa maxalliga ah.

Duqa magaalada Orem, David Young, ayaa sheegay in hay’ado kala duwan oo sharci fulinta ah ay baaritaanka wadaan, balse wuxuu xaqiijiyay in eedeysanaha aan weli gacanta lagu soo dhigin.

Hay’adda Dambi Baarista Federaalka (FBI) ayaa furtay khad dhijitaal ah oo dadweynuhu ay ku soo gudbin karaan wixii xog ah.

Howlgalka baadigoobka ayaa markii hore waxaa hareeyay warar is khilaafsan, ka dib markii Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, uu bartiisa X ku shaaciyay in “qofkii la tuhunsanaa” la soo xiray, ka hor inta uusan warkaas beenin saacad ka dib.

Madaxweyne Trump ayaa amray in calamada ka taagan dhismayaasha dowladda—oo uu ku jiro Aqalka Cad—hoos loo dhigo ilaa maalinta Axadda, taasoo calaamad u ah muhiimadda uu Kirk u lahaa siyaasadda Jamhuuriga 79-jirka ah.

Guddoomiyaha Utah, Spencer Cox, oo Jamhuuri ah, ayaa dilka ku macneeyay “khaarijin siyaasadeed,” wuxuuna fariin hanjabaad ah u diray dembiilaha mar uu qabanayay shir jaraa’id isaga oo qiiraysan.

“Waxaan rabaa inaan hadda si cad oo aan gabasho lahayn ugu sheego cid kasta oo falkan ka dambaysay: waan idin soo helaynaa, maxkamad ayaan idin soo taagaynaa, waxaana idinku qaadi doonnaa ciqaabta sharcigu oggol yahay tan ugu sarreysa,” ayuu yiri Cox.

“Waxaan rabaa inaan dadka xusuusiyo in gobolka Utah uu weli ka jiro xukunka dilka ah.”

Xildhibaankii hore ee Utah, Jason Chaffetz, oo isna goobta joogay, ayaa u sheegay Fox News in toogashadu dhacday xilli Kirk uu su’aalo ka qabanayay dadweynihii isugu yimid.

“Su’aashii hore waxay ku saabsanayd diinta. Wuxuu ka hadlayay 15 ilaa 20 daqiiqo. Su’aashii labaad, oo cajiib ahayd, waxay ku saabsanayd toogashooyinka ay geystaan dadka jinsigooda beddelay, waxaana isla xilligaas la maqlay dhawaqa rasaasta,” ayuu Chaffetz, oo argagaxsan, u sheegay taleefishinka.

“Isla markii ay rasaastu dhacday, dib ayuu u dhacay,” ayuu yiri. “Qof walba dhulka ayuu isku tuuray… dad badan ayaa qeyliyay, ka dibna qof walba wuu iska cararay.”

Turning Point USA

Kirk wuxuu ku lahaa saameyn aan caadi ahayn siyaasadda Mareykanka, isagoo ahaa cududda ka dambaysay taageerada baaxadda leh ee uu Trump ka helay cod-bixiyayaasha da’da yar — arrintaas oo fure u ahayd dib ugu soo laabashadiisii awoodda sannadkii hore.

Sannadkii 2012, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka Turning Point USA oo ujeeddadiisu ahayd in aragtiyaha garabka midig lagu dhex faafiyo dhalinyarada. Hibadiisa dabiiciga ah ee hadal-jeedinta ayaa ka dhigtay afhayeen caan ah oo ay taleefishinnadu u tartamaan.

Kirk wuxuu adeegsaday malaayiinta qof ee ku xiran boggagiisa Instagram iyo YouTube si uu taageero ugu raadiyo siyaasadaha ka dhanka ah soo-galootiga, Masiixiyadda aan gabashada lahayn, iyo lahaanshaha hubka, iyo sidoo kale si uu u faafiyo muuqaallo si xirfadeysan loo soo habeeyay oo laga soo jaray doodihii uu ka galay kulamo badan oo jaamacadeed.

Warka dilkan ayaa naxdin iyo argagax ku abuuray dhammaan dhinacyada siyaasadda.

“Rabbiyow, u naxariiso oo nasasho weligeed ah sii,” ayuu madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ku soo qoray baraha bulshada.

Sidoo kale, shakhsiyaadka garabka bidix ayaa cambaareeyay weerarka, kuna baaqay deggenaansho.

“Dalkeenna meel uma bannaana rabshadaha noocan ah. Waa in arrintan degdeg loo soo afjaraa,” ayuu madaxweynihii hore Joe Biden ku qoray barta X.

Guddoomiyaha California, Gavin Newsom – oo si weyn u dhaliila shakhsiyaadka midigta fog sida Kirk – ayaa weerarka ku tilmaamay “fal laga argagaxo, oo bahalnimo ah, isla markaana la cambaareynayo.”

Xildhibaanaddii hore ee Congress-ka, Gabrielle Giffords – oo Dimoqraadi ah isla markaana ka badbaadday isku day dil – ayaa sheegtay inay “aad uga argagaxday” weerarka.

Dilka Kirk ayaa ku soo aaday saddex bilood ka dib markii nin reer Minnesota ah uu gurigooda ku dhex toogtay xildhibaanad gobol oo ka tirsanayd xisbiga Dimoqraadiga iyo ninkeeda. 

- Advertisement -

Read more

Local News