Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Guddoomiyihii hore ee degmada Awdheegle Saalax Cabdiraxmaan oou waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay kooxdu gubtay xaafadda Malable oo ku taalla duleedka degmadaasi, kadibna ay ka rarteen dhammaan alaabtii taallay halkaasi.
“Shalay galab wixii alaab yaallay waxay ku rarteen saddex gaari, kadibna waxa ay gubeen xaafadda Malable ee demada Awdheegle,” ayuu yiri Saalax Cabdiraxmaan.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Magaalada 60% horay ayay u gubatay wixii dhinaa shalay ayay dhammeystireen galabtii, illaa hadda way qiiqeysaa”.
Saalax ayaa sidoo kale xusay in inta badan shacabka ay ka barakaceen guryahooda, ayna aadeen meelo ka baxsan degmada, sida magaalada Afgooye ee isla Shabeellaha Hoose.
“Dadka shacabka ah ee deganaa xaafadda la gubay mar hore ayay ka tageen, waxayna aaden meel 2 ilaa 3 kiilo mitir u jirta magaalada, kuwa kalena Afgooye ” ayuu markale yiri.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana adag in laga ogaado waxa dhabta ah ee ka jira gudaha degmada Awdheegle, maadaama ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan gobolka ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu xoreeyay deegaannada Bariire, Sabiid iyo Canoole, kadib guluf ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Uganda ee ka tisan howlgalka AUSSOM

