Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, kadib markii dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay xaruntaas.
Xafladda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano oo ay wehelinayeen saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga.
Sidoo kale waxaa ka qayb-galay Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, taas ooo uu si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad.
Waxa uu bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere ee ku aaddan hirgelinta dib-u-dhiska xarunta. Taliyaha ayaa sidoo kale ku ammaanay kaalinta muuqata ee uu ka qaato horumarinta iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, ayaa soo bandhigay qorshooyin uu ku doonayo in lagu xoojiyo adeegyada iyo awoodda xarunta, si ay u noqoto mid la jaanqaadi karta xarumaha casriga ah ee caalamka.
Sidoo kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Haramcad. Waxay ku tilmaameen hoggaamiye geesinimo leh oo isbeddel muuqda kusoo kordhiyay taliska, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxadeed iyo sawirro xusuus ah, iyadoo lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo taageerada la siinayo ciidamada, si loo xoojiyo amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

















