Wararkii ugu dambeeyey ee doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray goobaha cod bixinta doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee maamulkaasi oo maanta si rasmi ah uga billaabatay gobollada Somaliland.

Dad ka badan hal milyan oo qof ayaa codadkooda dhiibanaya, waxaana doorashadan ay ka dhaceysaa lixda gobol ee Somaliland sida Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag iyo Sool.

Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ee Somaliland ayaa ah mid aad isha lagu wada hayo, maadaama aan la qaban, tan iyo wixii ka dambeeyey 29-kii September 2005-tii.

Sidoo kale goobaha la dhigay sanaadiiqda doorashada ee cod-bixinta ayaa gaaraya illaa 2,709 goobood, iyada oo dadweynaha codeynaya ay dooran doonaan illaa 82 mudane oo Golaha Wakiilada ah iyo 249 oo ah Golaha Guurtida ah maamulka Somaliland.

Waxa kale oo doorashadan ku loolamaya xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland oo ugu horreeyeo xisbiga talada haya ee Kulmiye, xisbiga Waddani iyo midka UCID.

Maamulka Hargeysa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashadan ay ku bixeyso lacag dhan 25 milyan oo Dollar, iyadoo 80% ay bixineyso xukuumadda Somaliland, halka 20%-ka kalena ay ka caawin doonaan Ururka Midowga Yurub iyo maamulka Taiwan.

Ammaanka goobaha cod-bixinta ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugayo amniga, sidoo kalena hubinaya dadweynaha codeynaya.

Hargeysa waxaa haatan ku sugan kormeerayaal kala duwan oo u badan kuwo ka socda Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed, si ay ula socdaan doorashooyinka Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo 1991-kii sameyneysay horumar dhinaca ammaanka iyo doorashooyinka, markaas oo ay ku dhowaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.