Xog: FARMAAJO oo Dubbe siiyey amar xasaasi ah oo la xiriira warbaahinta qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo isi-soo taraya oo aan ka heleyno xubno ka kala tirsan madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo uu amar ku bixiyey in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasimeyaasha warbaahinta Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in caawa Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe uu ku amray in is bedel deg deg ah uu ku sameeyo dhammaan agaasimayaasha wasaaradda warfaafinta.

Sida aan xogta ku heleyno saacadaha soo socda ayaa la qorsheeyey in lagu dhawaaqo is bedelka cusub ee uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo dhibsaday siyaasadda dhex-dhaxaadnimada ah ee mudooyinkii dambe ay qaadatay warbaahinta Qaranka ayaa la sheegay inuu Wasiir Dubbe ku amray in deg deg uu xilalka uga xayuubiyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, Agaasimaha TV-ga Qaranka Sharma’arke Maxamed iyo Agaasimaha wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA Cabdiraxmaan Axmed.

Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray xeer sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin, inta uu dalku ku jiro marxaladaan kala guurka ah.

Haddii ay dhaqan gasho tallaabadan waxaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed oo cusub, maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo warbaahinta, gaar ahaan tan qaranka oo looga baahan yahay dhexdhaxaadnimo dhab ah.