Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii ka dhacay Ceelgaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarata macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey qaraxan ayaa shaaciyey inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxa ay waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in is-miidaamiyaha uu beegsaday ciidamo ku sugnaa goobta iyo gaari la sheegay inay saarnaayeen ergey ka mid ah kuwa qayb galaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee ka socota caasimadda.

Wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xirneyd, sababo la xiriira doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Dugsiga Tababarka  Booliska Janeraal Kaahiye.

Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, isla-markaana lagu hubiyo gaadiidka galaya Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, balse waxaa burbur xoogan uu ka muuqdaa isgoyska Ceelgaabta oo ah halka uu qaraxu ka dhacay, kaasi oo laga maqlay inta badan Muqdisho.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ku soo aaday, xilli doorasho.