Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara + Sawirro

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea. 

Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Eritrea uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka, ayaa Dowladda Eritrea uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. 

Waxa uu sidoo kale ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa inta aan la dooran iyo markii la doortay kadibba ballan-qaaday inuu dib usoo celin doono kumanaan askar Soomaaliyeed ah oo dalkaas tababar u jooga, hase yeeshee booqashadii hore ee bishii July uu ku tegay Eritrea ma suurtogelin in laga dhabbeeyo ballan-qaadkaas.