Daawo: Xildhibaan Jacfar oo shir jaraa’id ku qabtay Wabxo oo fariin u diray beeshiisa

Wabxo (Caasimada Online) – Xidlhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa galabta warbaahinta kula hadlay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Jacfar ayaa dadka deegaanka u sheegay inay sii dawi doonaan dagaalka, isagoo sheegay in dhulka ay degto beeshiisa Murusade ay Al-Shabaab wada heystaan, markii laga reebo deegaankaan Wabxo.

Xildhibaan Jacfar, guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale iyo masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa maanta safar dhulka ah ku tagtay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo ka hor laga saaray Al-Shabaab.

“Halkaan xoolo iyo xil uma soo doonan ee waxaan rabnaa inaan cadowga idinka xoreyno, nimankaan dhulka ay heystaan roob kama da’o markii aan idinka xoreyno ayuu Alle roob idin siinayaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifiraax Afrax, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo reer Hiiraan ah ayaa safarkaan ku wehliyey Xildhibaan Jacfar.

Xildhibaanka ayaa Wabxo ka sheegay in reer Hiiraan iyo reer Guriceel ay diyaar u yihiin in beesha Murusade ay dhulkeeda kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo