Wararkii ugu dambeeyey ee shahaado siinta xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee (FEIT) ayaa maalintii shanaad wada diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga oo qoraal kooban soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay mareyso shaqadooda, waxaana FEIT ay shaacisay magacyada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada, kuwaas oo kala ah:-

1. Samira Maxamud Haji AS#51
2. Saynab Ismail Mohamed AS#45
3. Mohamed Abdi Osman AS#49
4. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
5. Farhan Ali Hussein AS#47
6. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
7. Mohamed Farah Nur GSH#192.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin culus u diray xildhibaanada dhimman, wuxuuna ka dalbaday inay soo gaaraan xarunta FEIT, si looga faa’iideysto muddada kooban ay ka hartay waqtiga lagu heshiiyey in lagu qabto dhaarinta.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa aad usii kordhaya, tan iyo markii uu guddigu bilaabay inay diiwaan geliyaan xildhibaanada soo baxay, walow Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka caga jiidayaan shaqada socota.

Arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoogleh oo haatan ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad ah, kadib dib u dhacyo ku yimid.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, iyadoona walaac laga muujinayo xiisadda soo korortay iyo is mari-waaga ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya.