25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo J/Land + 6 qodob oo la isku raacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa  lagu wadaa in maanta Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gaba gabeeyo Shirka halkaasi uga soconaya Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo waliba Dowlada federaalka Soomaaliya, ayada oo inta badan la isku raacay qodobad, inkasta oo mar kasta ay xaaladdu is-beddeli karto.

Kulankan ayaa muddo ku dhow todobaad  ka socday magaalada Addis Ababa.
Dhowr jeer oo uu shirku ku sigtay inuu bur buro ayaa waxaa uu ku badbaaday dadaal ay sameeyeen dhinacyadii beesha caalamka ee kulanka ku dhaw dhawaa, iyo masuuliyiintii dhinacyada kala matalayay.
Waxaana shirka taageersan oo doonaya inuu mira dhalo wadamda dariska ah gaar ahaana Ethiopia iyo Kenya.Waxaa kaloo shirka riixayay Midowga Africa, Midowga Yurub iyo wakiilo kale oo caalami ah.Markaad fiiriso Agendayaashii ugu waaweynaa ee shirka hor-yaalay ee la isla gorfeynayay ayaa dhinacba uu ku dhegenaa qodobo siyaasad ahaan uu u arkay inay muhim u yihiin.Dhanka Dowlada Federalka Somalia ayaa shirka la tagtay qodobo ay ugu muhimsanaayeen.

  1. In lagu soo wareejiyo aaya ka talinta iyo maamulka Jubooyinka
  2. Maamulida illaha dhaqaalaha Kismaayo
  3. in Ahmed MAdoobe, ka laabto sheegashada madaxweynenimada Jubba Land
  4. iyo in maleeshiyaadka hubeysan ee gobolka ku sugan ay ku biiraan ciidamda dowlada Somalia oo la qarameeyo.

Ergadii Axmed Madoobe iyo maamulayaasha  Jubba Land ee Kismayo gacanta ku hay, ee garabka Axmed Madoobe ayaa iyagu aad u doonayay qodobo ay ka mid ayaaheen.

In maamulka Jubaland ee Ahmed Madoobe sidiisa ay dowladu ku aqbasho una aqoonsato maamul jira oo ka talinaya aayaha dhulka iyo dadka reer Jubba Land.

  1. In dowladu ay u madabanaanyeso Maamulkan – gacan ku heynta iyo maareynta illaha dhaqaalaha, oo ay dekedda iyo airporka Kismayana ku jiraan.

Is jiid jiid ka dib, sida ay sheegeen xubno xog ogaal ah oo kulankan ka qeybgalaya  waxa ay labada dhinac isku raaceen qodoba dhowra oo ay ka mid yihiin

  1. In dhanka Ahmed Madoobe ay ka tanasulaan  sheegahsada maamul goboleed madax banaan. Isla markaana ay noqdaan maamul goboleed KMG ah, oo jiri doona muddo laba sanadood ah, inta maamulka Federalka laga hirgelinayo, maleeshiyaadka maamulkana la qarameeyo.
  2. inay dowlada usoo warbixiyaan  oo ay wakiil uga yihiin gobolka
  3. in dowladu tahay tan kaliya ee mataleysa dadka soomaaliyeed madaxbananaidana ay tahay muqadas
  4. Qabashada shirkii Muqdisho, ee horey loogu balamey ururu goboleedka IGADna ay taageereen
  5. in la dhiso maamul loo dhan yahay oo ay ka qeybgalaan guud ahaan dadka ku nool gobolada Jubooyinka
  6. in la dhiso gudi Amni  oo ka shaqeeya dhismaha ciidamada iyo dhowr qodob oo kale.

Labada dhinac ayaase xaley isku mari waayey cidda maamuleysa dekedda iyo garoonka Kismaayo, taasoo keentey in dib loo dhigo xaflad gunaanad ah oo shirkaasi loo sameyn lahaa, balse la filayo inay maanta dhado.

Isha: VOA
- Advertisement -

Read more

Local News