Puntland oo DDS u raadsatay kaalmo kadib markii ay ka carrootay DF

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Maamulka Dowlda deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa Maamulka Puntland ugu deeqay deeq waxbarasho oo lacag la,aan ah kadib markii Magaalada jig jiga soo gaareen wafdi ka socda Maamulka Puntland uu hugaaminayo Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Wafdigaa ka socda Maamulka Puntland oo wali ku sugan Magaalada Jig jiga ayaa la sheegay in socdaalkooda uu la xariiro xoojinta xariirka Labada dhinac ee Puntland iyo Maamulka Dowlada Soomaalida Itoobiya iyo sidii ay deeqa waxbarasho uga heli lahaayeen.

Tani waxa ay ka dambeysay kadib markii Puntland ay horey u sheegtay in DF Somalia ay ka jartay deeqihii waxbarasho ee maamulkaasi uu ka heli lahaa dalal ay Sudan ka mid tahay. Halkan dhag sii

Maamulka Dowlada deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa Puntland ugu deeqay 75 arday oo helay waxbarasho lacag la,aan ah waxa ayna deeqdaa daba socotaa heshiis hore u gaareen labada Madaxwayne Farole iyo Cabdi Maxmuud Cumar sanadkii hore.

Wafdigaa ka socda Maamulka Puntland ayaa ka kooban dhoor xubnood waxaana hugaaminaya Wasiirka sh/shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland Cabdi wali xirse Cabdulle,Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdi Samad Maxamed Gallan iyo xubna kale.

Marka laga soo tago deeqda waxbarasho, ayaa sidoo kale Puntland waxa ay rajeeneysaa inay kaalmo dhaqaale ka hesho dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Inkasta oo ay sheegtay in Dowladda Somalia ay u diiday deeqihii waxbarasho, haddana Puntland waxa ay iska diiday markab gar gaar siday o Turkiga uu uga diray Muqdisho, ayada oo ku sheegtay mid siysaadaseysnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com