Farax Macalin: Ethiopia oo DF & J/land heshiisiineysa, waa Israel oo Falastiin iyo Masar heshiisiineysa, caqli maaha

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo wali magaalada Adis- Ababa uu ka soconayo shir lagu wada heshiisiinayo Maamulka ka arimiya magaalada Kismaayo ee Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaaliya , ayaa marba marka kasii dambeysa waxaa sii kordhaya dhaliilaha loo jeedinayo wada hadalladaas.

Faarax Macalin, Waa muwaadin Soomaali Kenyan ah waxaana  mar uu oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Kenya, wuxuu sheegay in wax natiijo ah aysan ka soo baxayn Shirka Addis-Ababa uga soconaya madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Isaga oo la hadlay wargeys kasoo baxa Kenya, ayuu Faraxa arrintaas wuxuu ku sababeeyay in Ethiopia marnaba aysan maslaxad u horseedeyn umada Soomaaliyeed , isagoo sheegay in Ethiopia ay mar waliba sii hurineyso colaadda dadka Soomaaliyeed .

“Ethiopia oo DF Somalia iyo Jubaland heshiisiineysa, waa Israel oo Falastiin iyo Masar heshiisiineysa, taasna caqli maaha” ayuu yiri Faarax Macallin.

Hadalka uu jeediyaya Faarax Macalin, Wuxuu u muuqdaa mid uu Soomaalida uga digayo inaan lagu qancin waxyaabaha shirkaasi kasoo baxa oo iminka gebo gebo ku dhow.

Faarax Macallin ayaa mar kasta siyaasad ahaan kasoo horjeeday Ethiopia, ayada oo waagii ay la dagaalantay maxkamadaha Islaamiga, oo ay Muqdisho qabsatayna, si aad ah Ethiopia uga weeraray warbaahinta.

Si kastaba waxaa jira warar sheegaya in Faarax Macallin siyaasad ahaan uu taageersan yahay maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com