Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashooyinka oo maanta ka furmayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka yo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu  dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya oo isugu dhigay gogosha, duqa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale shanta madaxweyne goboleed ee dalka oo inta badan ku sugan gudaha caasimada.

Sidoo kale waxaa shirkan oo looga arrinsanayo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka saldhig u ah heshiiskii 17 September ee ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in goordhow caasimada uu kusoo wajahan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo kasoo kicitamaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatan qaban qaabada soo dhoweyntiisa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan oo kusoo aadayo xilli xasaasi ah lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno culus oo lagu jiheynayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka, si looga gudbo marxaladda adag iyo xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isha ku wada haya natiijada shirkan oo si aad ah loogu boggaadiyey xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba dib u dhac kooban ayaa ku yimid furitaanka shirkan oo qurshuhu ahaa inuu billowdo 20-kii bishan, kadib is-bedal ku yimid xilliga imaashaha madaxweynayaasha qaar ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo dib uga soo dhacay waqtigii loogu talagalay.