Wararkii ugu dambeeyey ee Ukraine iyo Ruushka oo ku dhaqaaqay tallaabo halis ah

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcaha maanta ah ku eedeeyey Moscow inay u weecatay “argagixisanimo Nukliyeer” ayna dooneyso inay “dib u sameyso” musiibadii Chernobyl kadib markii ciidamada duulaanka ah ee Ruushka ay weerareen warshad Nukliyeer.

Waxa uu ka baryey hoggaamiyayaasha caalamka inay hurdada ka toosaasn ayna ka hortagaan in Yurub “ay ku geeriyooto musiibo Nukliyeer” kadib markii warshadda ugu weyn qaaradda uu dab ka kacay kadib markii la duqeeyey.

“Dal aan ka aheyn Ruushka marna ma weerarin warshad Nukliyeer,” ayuu ku yiri muuqaal Video oo uu baahiyey xafiiskiisa. “Tani waa markii ugu horreysay taariikhdeena. Taariikhda bani’aadamka. Dalka argagixisada ah wuxuu hadda u weecday argagixisanimo Nukliyeer.” 

Xarunta oo ku taalla magaalada warshadaha ee Zaporizhzhia ee koonfurta bari ee Ukraine ayaa qeybisay 40 boqolkiiba quwadda Nukliyeer ee dalkaas, sida uu sheegay madaxweynhe Zelensky, waxayna marti gelisaa lix ka mid ah 15 warshadood ee Nukliyeer ee dalkaas.

Sida ay sheegtay Kyiv, dabka ayaa kacay kadib markii ciidamada Ruushka ay rasaaseeyeen goobta.

“Kuwani waa taankiyo leh qalab laga dhex arko muuqaalka waxa gudaha ku jira, sidaas darteed way ogaayeen halka ay weerarayeen,” ayuu yiri Zelensky. 

Hase yeeshee inta badan “qalabka aas-aasiga ah ee warshadda ayaanay gaarin wax saameyn ah, islamarkaana heerka shucaaca ayaa ahaa caadi,” sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan hay’adda tamarta QM oo ku sugan Ukraine.

Goobaha Nukliyeerka ee Ukraine ayaa ahaa walaaca ugu weyn kadib markii Militariga Ruushka ay ku duuleen dalkaas toddobaadkii tegay, islamarkaana billaabeen inay duqeeyaan magaalooyin badan. 

“Haddii uu dhaco qarax, waa dhammaadka wax walba. Waa dhammaadka Yurub. Kaliya tallaabo deg deg ah oo Yurub ay qaado ayaa joojin kara ciidamada Ruushka,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky.