Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka lagu qaaday Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka Marina Gate, iyaga oo qarax la beegsaday Control ku yaalla halkaas oo laga soo galo garoonka.

Iska hor imaad u dhexeeyo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka ayaa haatan ka soconaya xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida askarta, kuwaas  lagu baaro  walxaha qarxa, sidoo kale wuxuu weerarku  gaaray xafiiska Toyota ee SKA.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in haatan toogasho ay ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha Soomaaliya oo ku aadan weerarkan oo dhaliyey shaki xoogan oo ku geedaaman sida loo soo abaabulay.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkaasi oo weli ka socda halkaasi.

Faah faahinta kala soco:- Caasimada Online