Sawirro: Safiirka Mareykanka iyo Rooble oo ku dalxiisay xeebta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baahisay sawirrada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo safiirka cusub ee Mareykanka Larry André oo ku lugeynaya meel ka mid ah xeebta magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta twitterka ee safaaradda waxaa lagu sheegay in Danjire Larry André uu Ra’iisul wasaaraha u cadeeyey intii ay ku guda-jireen socdaalkaas jimicsiga ah, in hoggaamintiisa doorashada ay taageero buuxda u hayaan, gacana ay ka siinayaan soo gabagabeynta doorashadaan dheeraatay.

Dad badan ayey layaab ku noqotay in la arko diblomaasiyiinta Mareykanka ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan safiirka oo lugeynaya meel ka mid ah xeebta dheer ee Muqdisho.

Bilihii u dambeeyey waxaa aad loo xakameeyey dhaq-dhaqaaqa banaanka ah ee diblomaasiyiinta Muqdisho ka joogta dowladda Mareykanka, mana soo dhaafi jirin xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa mudooyinkii dambe gudaha Xalane ugu tegi jirtay diblomaasiyiinta shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka, oo qaatay go’aan ah in aysan soo dhaafin xaruntooda, si aan loo beegsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirkaan cusub ee Mareykanka warqadaha aqoonsiga uga soo gudoomay gudaha Xalane, iyadoo loo hoggaansamayo go’aanka Mareykanka ee banaanka loogu diiday diblomaasiyiinta ka joogta dalka, waxayna tallaabadaasi noqotay mid aan horay u dhicin oo hadal-heyn badan dhalisay.

Hoos ka eeg sawirrada