DF oo soo bandhigtay 4 qodob oo ay ku burineyso heshiiskii shidaalka (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku burburineyso heshiiskii Shidaalka ee wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed uu u saxiixay shirkadda Costline Exploration ltd oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Heshiiskaas ayaa markii uu soo shaac-baxay wuxuu qalqal iyo kala shaki badan ka dhax abuuray xafiisyada ugu sareeya dalka, waxaana sharci darro ku tilmaamay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo hantidhowraha qaranka, sidoo kale wasiir Cabdirashiid ayaa ku adkeystay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa.

21-kii Febraayo dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabadii ugu horeysay oo ay ku burineyso heshiiskaas, ayadoo qortay warqad ay shirkadda heshiiska lala galay ku wargelineyso in heshiiskaas uu yahay waxba kama jiraan.

Xogtaan waxaa baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA.

Warqadda ay dirtay dowladda Soomaaliya ee ku socotay shirkadda Costline Exploration ltd, waxaa qortay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana lagu xusay in afar sababood dartood uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan.

Qodobada ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya ee heshiiskaas ay ku burineyso ayaa kala ah:

1 – Inay marka hore waajib tahay in heshiiskaas uu ka soo gudbo qeybta sharciga ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka.

2 – In Garyaqaanka guud ee dowladda uu talo bixin dhinaca sharciga ah ka bixiyo saxiixa heshiiska.

3 – In Ra’iisul wasaaraha dalka uu hab qoraal ah ugu wargeliyo golaha wasiirrada ogaanshaha heshiiska.

4 – Iyo in golaha wasiirrada ay ansixiyaan, ka hor inta aan la saxiixin heshiiskaas.

Warqadda ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay shirkadda Costline Exploration ltd waxaa lagu cadeeyey in afartaas tallaabo aan la marsiin heshiiska ay u saxiixday wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Illaa hadda ma cada in shirkadu aqbashay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay ku burineyso heshiiskaas, barnaamijkaan wuxuu la xariiray masuuliyiinta shirkadda, balse waxay u cadeeyeen in xilligaan aysan arrintaas ka hadleyn.

Patrick Molliere oo mar ka soo shaqeeyey wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan dalka Indonesia wuxuu la hadlay barnaamijkaan Galka Baarista, wuxuuna u sheegay inay aad u fududahay burunta heshiiskaas.

Patrick wuxuu hadda madax ka yahay shirkad Saliida soo saarta oo lagu magacaabo Foster Oil and Energy, taas oo ka diiwaan gashan dalka Indonesia, wuxuu mar la taliye sare ka soo noqday wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, wuxuuna qabaa in dowladda Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay burinta heshiiskaas.

“Hadii dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay qandaraaska buriso aad ayey u sahlan tahay, kaliya waa inay cadeysaa inay burisay. Soomaaliya waa wadan, laakiin Costline waa ‘shaqin’ dadbaa dhahaya waa ku dacweynayaan, ha dacwoodaan, laakiin Soomaaliya waa inay muujisaa mowqif dowladeed,” ayuu yiri Patrick Molliere oo mar la taliye ka soo noqday wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran