HirShabeelle oo shaacisay sabab dib loogu dhigay doorashada kuraasta Goodax Barre iyo Cabdirisaaq Cumar

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa dib loo dhigay doorashada labadii kursi ee maanta ilaa caawa lagu waday inay ka dhacdo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay HirShabeelle.

Afhayeenka madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Cirro ayaa sheegay in doorashada kuraastaas dib loo dhigay, maadaama la gaaray xilli habeen ah, tartankuna uu adagyahay.

Berri oo Arbaco ah, weliba gelinka hore ayuu sheegay afhayeenku in doorashada labadaas kursi ay ka dhici doonto Beledweyne, sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada iyo laamaha ammaanka.

Labada kursi ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah HOP#63 iyo HOP#11, waxaana la sheegay in tartanka kuraastaas uu yahay mid furan, cabsi badana laga qabo inuu ka dhaco gacan ka hadal.

Loolanka ay wajaheyso doorashada kuraastaan waa mid adag markii la fiiriyo musharaxiinta isu diiwaan gelisay, waxaana horay ugu kala fadhiyey kuraastaan Cabdullahi Goodax Barre iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kuwaas oo hadda ka mid ah tartamayaasha.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in musharaxiinta qaar aysan u diyaarsaneyn guul-darro oo maleeshiyaad aad u hubeysan ay diyaarsadeen, taas oo madaxda HirShabeelle ku qasabtay inay taxadar badan muujiyaan.