Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Macallimuu kadib QARAXII lala beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaad ee afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan aad u wanaagsan, kaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta lagula eegtay Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, isla-markaana la dhigay Isbitaalka weyn ee Digfeer.

Wararka ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay qeybaha dambe ee jirka, balse xaaladdiisu ay hadda fiican tahay, sida ay shaaciyeen dhaqaatiirka isbitaalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa sidoo kale looga hadlay weerarka la beegsaday Macallimuu, waxaana lagu sheegay in dhaawiciisa uusan aheyn mid halis ah.

“Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan.

Qaraxa maanta ka dhacay maagaalada Muqdisho ee markale lala beegsaday Macallimuu wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo Arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jiidka weli ka taagan hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sababeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.