Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda S/L iyo Puntland

Buuhoodle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland laga dareemayo duleedka degmada Buuhoodle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay, kadib markii ciidamada labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabeen halkaasi, taas oo abuurtay xiisad cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland ay ciidamo badan geysay deegaano  u dhow Buuhoodle, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamada Somaliland iyo Puntland ay is uruursi ka wadaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee dariska ah, kuna aadan xiisadda maanta ka taagan gobolka Togdheer, ayadoo xaaladunta ay kacsan tahay

Somaliland iyo Puntland oo xuduud leh ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaa ee waqooyiga Soomaaliya.

Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto deegaano horleh, waxaana ugu dambeysay Boocame oo kamid aheyd meelaha ay Puntland u qorsheysay doorashada.