Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ay ku dhaceen xaafado ku yaalla dhinaca Filorensa oo ku dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryhooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka degmada Hodan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli uu socday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kaas oo lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Inta badan mararka ay jiraan shirarka waa weyn iyo kulamada baarlamaanka ayaa waxaa weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaadaa xarunta Villa Soomaaliya, waxaana inta badan khasaare kala kulma dadka shacabka ah ee deggan xaafadaha ku dhow madaxtooyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan & sidoo kale dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah.