Wararkii ugu dambeeyey Sh/Dhexe iyo Al-Shabaab oo deegaano laga qabsaday

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa hormar weyn ka sameenayo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdiraxman Gacal,Gudoomiyaha Degmada Raagacelle, Korneyl Masdile saraakiil ciidan iyo mas’uulyiin kale ay gaareen Tuulooyinka Geefo, jabada carbeed ,biyo madoobe ,Dhalow ,Gowraar, Goldhabo iyo imaam Gowrac oo dhamaantood hoos taga Degmada Raagacelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta tuulooyinkaan kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa bulshada ku nool tuulooyinka u sheegay in laga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka

Sidoo kale,  Gudoomiyaha ayaa u balanqaaday in qofkii so sheega Al-Shabaab meelaha ay ku sugan yihiinXubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab la siin doono abaalmarin, dhalinyaradana laga doonayo iney iska dulqaadaan dhibaatada ay Al-Shabaab ku heyso dadka iyo Degaanka.

Talalabada ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa imaaneyso kadib markii beesha dagto gobolkaas ay go’aan ku gaartay inay iska saarto kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo u diyaarsan hab beeleed oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana loogu talagalay inay xoreeyaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.