Wararkii ugu dambeeyey is casilaadda Wasiirka Gaashaandhigga iyo ujeedka laga leeyahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo is casilaada Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegayo inuu sabab u ahaa khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cirfiid.

Wararka ayaa sheegaya in labadan Mas’uul  ee is casilay ay markii horeba u dhaxeysay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysay iyo arrimo kale oo farsamo oo la xiriiray howlaha ciidamada.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid ayaa la sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay u dhaxeysay kala aragti duwanaan ka dhashay dib u habeynta mushaarka ciidamada iyo xaalado kale oo ka dhashay dhacdadii Bariire oo uu Taliyaha uga hadlay si ka duwan sidii Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda uga hadleen dhacdadaas lagu laayay dad beeraley ahaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo sababta keentay is casilaadaas, waxaana jiro qorsho kale oo soo baxay kaasoo sheegayo in Cabdirashiid loo wado xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib markii mowjado Siyaasadeed lagu furay Shariif Xasan SHeekh Aadan oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda Dowladda Dhexe.

Cabdirashiid oo horey u noqday Guddoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda Soomaaliya ayaa la aamisan yahay inuu saaxiibo dhow la yahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana sidoo kale la rumeysan yahay inuu yahay Shakhsi saameyn xoog leh ku leh deegaanada Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay ku dhawaaqday in Wasiirka Gaashaandhigga uu isku casilay sababo shakhsiyadeed, waxaana hadalkaas la sheegayaa inuu yahay mid siyaasadeysan isla markaasna qorshahaan uu yahay mid ay wadato dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jiro warar tilmaamayo In Wasiirka Gaashaandhigga loo casilay sababo ku aadan Cadaadis dowladda uga imaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari kaasoo markii horeba aan ku qanancsaneyn xilka loo magacaabay Cabdirashiid oo la rumeysan yahay inuu watay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxay wararka Sheegayaan inuu Jawaari dowladda dhexe ku xujeeyey in Fargeeti laga dhigo Wasiirka Maaliyadda, isla markaasna Wasiirka Gaashaandhigga Xilkaas laga qaado, halka qorshuhu uu yahay in Wasiirka Maaliyadda Beyle meesha laga saaro, beeshiisana la siiyo xilka Wasiirka Gaashnaadhiggo.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay waxaa hadda Magaalada Muqdisho ka socdo qaban qaabada kulan xasaasi ah oo ay yeelan doonaan Wasiirka Gaashaandhigga ee is casilay iyo Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeedo Deegaanada Koonfur Galbeed si uu Cabdirashiid uga war bixiyo sababaha keenay is casilaadiisa.

Wixii kusoo kordha is casilaada Wasiirka Gaashanadhigga iyo qorshooyinka cusub wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com