Wararkii ugu dambeeyey kulanka labada aqal ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka si wadajir ah u guddoomiyanaya guddoonka labada gole.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu waxa uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.

Sidoo kale waxaa kulanka hortegay wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo warbixin siiyey xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya,

“Sidaa aad ka war qabtaan miisaaniyadda sanadka billowgiisa ayey bilaabataa sanadka aakhirkiisana waa ku dhammaataa, sidaas daraadeed waxaa baarlamaanka loo soo gudbiyaa miisaaniyadda beelaha ugu dambeey. October aakhirkeeda ayaa golaha wasiirada usoo gudbiyaan baalamaanka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Bayle ayaa sidoo kale ka dalbaday xildhibaanada inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadkan, taas oo muhiim ah howlaha shaqo ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Intaasi kadib, qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa kulanka ka hadlay, iyaga oo soo hadal qaaday arrimo ku aadan daqliga dowladda iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka, sidoo kalena waxay su’aallo waydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka ay yeesheen ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay soo dhammaatay doorashadii Golaha Shacabka, isla-markaana lagu howlanyahay dhismaha dowladda cusub.