Wararkii ugu dambeeyey qaraxii maanta + Khasaaraha

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaaladaasi oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ka howlgala magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qudaarta ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah askari yahay ayaa ku dhintay qaraxaas, halka qofka kale uu ahaa shacab, sidoo kale waxa ay dhaawacyo ay soo gaareen saddex kale oo labo ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada, halka ruuxa saddexaadna uu yahay shacab.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyeen meesha ay wax ka dhaceen, mana jiro wax hadal oo kasoo baxay.

Sidoo kale qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, waxaana muddo kooban la xiray goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiraan faah-faahin ay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay.

Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysta xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.