Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Badda ee maamulkaasi.
Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.
Afartii bishan ayey aheyd markii bartamaha Boosaaso uu ka dhacay qarax noocaan oo kale ah, kaas oo lala eegtay wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax, kaas oo ka badbaaday miino lala eegtay gaarigiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]