Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax culus oo khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kolonyo ay galbinayeen oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi u u ku dhintay ugu yaraan 1 askari, isla-markaana uu jiro dhaawac kale oo intaasi ka badan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Eng Mahad Omar Abdi oo ka tirsan Guddiga Doorashada heer federal iyo askar la socotay, kadib markii uu qaraxu haleelay gaarigii ay saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Kolonyada la qarxiyey ayaa waxaa sidoo kale la socday siyaasiyiin iyo dad kale goobjoog ahaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay caasimada Jowhar.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.