Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay saldhig ku yaalla BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaaday howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhigga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlgallada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinayaan wararka laga helayo halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeeyey weeraradii is miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.