Qarax maanta ka dhacay Sh/Hoose + Khasaaraha

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ah miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lala eegtay mooto Fekon oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa, halka uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah askarta saarneyd mootada la qarxiyey.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ku aadan qaraxaas miinada ah, balse kama aysan hadlin, haddii ay jiraan inay dad u soo qab-qabteen qaraxaas oo geystay khasaare xoogleh.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa wadada uu qaraxa ka dhacay muddo kooban hakad ku yimid, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo sidoo kale qaraxyo khasaare geysta.