Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka dhacaya Afisyooni

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah looga dareemaya diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka, kaas oo lagu wado inuu maanta ka furmo Teendhada Afisyoono oo ku taalla xerada Xalane.

Shirkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa waxaa garwadeen ka ah beesha caalamka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda watigoodu dhammaaday ee dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnah musharraxiinta mucaaradka.

Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta ka dhacayo shirka la wareegay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Beesha caalamka oo garwadeen ka ah shirkan waxa ay shaacisay in madaxda Soomaaliyeed aan laga aqbali doonin kala teg, iyada oo aan heshiis la gaarin.

Si kastaba shirkan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada.