Soomaali hanti badan looga dhacay dalka South Africa

Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay boob iyo dhac loo geystay ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo kooxo burcad ah ay ka geysteen magaalada Cape Town ee dalkaas.

Kooxda burcadka ah ayaa lagu soo waramayaa inay boobeen oo dhac u geysteen Gaari u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, isla markaana sida dalab rooti ah xilli uu marayay waddo muhiim ah oo ku taal Xaafad ka tirsan magaalada Cape Town.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoneysa boob iyo dhaca ay burcadka Koonfur Afrika ku hayaan ganacsatada Soomaalida, waxaana isasoo taraya walaaca iyo cabsid ay muujinayaan ganacsatadu, kadib markii ay billo gudahood ay dhaceen dilal iyo boob badan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay dhibaatoyinka isugu jira dilka, dhaca iyo cago-jugleynta loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamid ah kuwa ku ganacsada dalkaas.

Waxaa dalkaas dil loogu geystay labadii bilood ee u dambeeyay Soomaali badan, ayada oo ganacsato kalena boob cad looga dhacay xoolahooda, waxaana inta badan la kulmaan weeraro dhac ah.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in tiradii ugu badneyd ee ganacsatada Soomaalida laga dilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada isku raranka ah ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaas.

Ganacsatada Soomaalida ah ee Koonfur Afrika ayaa wajaha dilal iyo weeraro dhac oo bareer ah, mana jiro ilaa hadda wax cad oo ay ka qabatay dowlad dalkaas oo dhowr jeer ka hadashay dhibaatada ay burcadka ku hayaan ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.