Weerar khasaare culus lagu gaarsiiyey ciidanka Amisom oo ka dhacay SH/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidanka Burundi ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca HirShabelle.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig AMISOM ee deegaanka Miir-Taqwa ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi waxa ay shaacisay in ugu yaraan ay ku dileen  1 askari, kuna dhaawaceen 2 kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM, Burundi oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay in ciidankooda waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariismaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka.