Dowladda oo ka hadashay falal mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay falal amni darro ah oo maalmahii ugu dambeeyay kusoo badanayay dagmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay geysanayeen sida dadka qaar ay cabashadooda kusoo gudbiyeen burcad xiran dharka ciidanka dowladda.

Dadka Muqdisho ayaa maalmahii ugu dambeeyay cabasho ka muujinayay dhaca loo geysto xilliyada habeenkii ah, iyadoo laga qaato Moobeelada iyo waxyaabaha ay markaas wataan, balse taliska Booliska ayaa ka hadlay.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada kaga hadashay cabashada laga soo gudbiyay burcadda, waxeyna ugu baaqday shacabka iney taliska lasoo wadaagaan wixii dhibaato ah.

“Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska.

Zakiya Xuseen ayaa sidoo kale dadka qaar ee baraha bulshada ku baahiya cabashadooda ku eedeysay iney eedeynayaan saraakiisha Booliska, balse taas badalkeeda ay haboon tahay in hay’adaha amniga ay lasoo wadaagaan wixii ay tabanayaan si wax loogu qabto.

“Wallow aan idinka mahad celinaaya inaad ila wadaagtaan cabashoiyinka waxaa xusid mudan in adigoo dhib la kulmay ka dib social media soo dhigtid iguna tag gareeysid (qaarkiina aflagaado igu sii dartaan) inaysan idinka xal idin noqoneeyn anagana naga lumineysa fursad aan wax uga qaban karno.”

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay qudhiisa hawlgallo ka fuliyay Muqdisho, waxeyna dagmooyinka qaar kusoo qabteen kooxo mootooyin dadka uga dhici jiray agabka ay wataan sida Moobeelada.