Xog: Al-Shabaab oo amarro ku soo rogay shacabka xaafado ka mid ah Muqdisho 

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay u hanjabaan shacabka magaalada Muqdisho, iyagoo u diidaya in ay u hogaansamaan talooyinka caafimaadka oo ay bixiso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19.

Dadka ku nool degmooyinka qaar ee gobalka Banaadir gaar ahaan Heliwaa, Deyniile, Yaaqshiid iyo Madiina ayaa sheegay in loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono haddii lagu arko iyagoo xiranaya Face-Mask.

Dhalinyaro Afka soo duubatay ayaa la sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay la hadleen xaafadaha qaar ee Muqdisho iyagoo u sheegaya in aysan u hogaansami karin awaamiirta gobalka Banaadir.

Badanaa dadka warkaan loo sheegay waxaa lagu qabtay wadooyinka iyagoo Afka u xiran-yahay waxaana loo sheegay in cudurkaan uu Allah haayo islamarkaana Allah ay baryaan dadka Soomaaliyeed, sida aan kasoo xiganay qaar ka mid ah shacabka

“Laba saac oo habeenimo ayaa jidka laygu qabtay, Afka ayaana u xirnaa waxaan u qaatay koox mobilka iga dhici rabto, is deji ayaa lay dhahay, kadibna Afka iska fur, kadib ayaa lay dhahay u sheeg dadkaaga adigana ogow mar dambe sooma qaadan kartaan Af-xirka, cudurka Allah ayaa keena isaga ayaana qaada,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada Heliwaa oo la hadlay Caasimada Online. 

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaadkii hore soo saaray awaamiir lagu furayo in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan Af-xirka, iyagoo sheegay in 5 dollar oo ganaax ah laga qaadi doono qofkii aan wadan, halka goobaha ganacsigana laga qaadi doono 50 dollar.