20 sano kadib, Somalia oo taagan meel aan laga fileyn

Muqdisho (Caasimada Online) – 20-kii sano ee ugu dambeysay siyaadda Soomaaliya waxey aheyd xarig isku dhiib, waxaana ka soo hana qaadayay Dimuqraadiyad curdan ah.

Xukunka ayaa waxaa isu dhiibay oo si nabad ah u kala wareegay afar Madaxweyne oo mid kasta ilaaliyay dhaqanka xarig isku dhiibka iyo ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah.

Mudadaas oo ay Soomaaliya ku jirtay daganaanta siyaasadeed iyo doorashooyinka sida nabadgalyada ah ku dhaca, waxaa dalka ku soo dhiiraday wadamo badan oo dunida ah, kuwaas oo safaarado ka furtay Muqdisho, qaar kale ayaa dalka ka sameeyay maalin gelin sida Turkiga.

Wadooyin, suuqyo, bankiyo, iyo hormar weyn ayey sameysay Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dalka. 20 sano kadib dadka Soomaaliyeed wadnaha ayey farta ku haayaan.

Ma jirin qof ku fikirayay in 2021 Madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya dan gaar ah uu dalka gelin doono jawhareer siyaasadeed. Sidoo kale ma jirin filasho ah in maamul gobaleedyada dalka u kala safan doonaan mucaarad iyo muxaafad halkii ay aheyd in ay dalka ka saraan marxalada adag.

Maamul goboleedyada dhibaatada dalka u horseeday ayaa ah kuwa markii horeba madaxdooda kursiga loo boobay, oo u abaal-gudaya ninkii kursiga u boobay.

Khilaaf adag ayaa ka jira Soomaaliya waxaana kooxo isku aragti ah usii kala baxaya hay’adihii dowladda, maamul gobaleedyada dalka iyo baarlamaanka.

Waxaa socoto kala jiidasho maamulada ah waxaana sidoo kale sii xoogeestay cabsida laga qabo in dalka ka dhacdo doorasho nabad-galyo ah. Caqabado badan ayaa ku hor-gudban shirka maanta la filayo in uu ka furmo Muqdisho loogana hadlo doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo xileedkiisa dhamaaday 40 cesho ka hor ayaa ka aamusan xaalada wadanka. Dhibaatada Soomaaliya kaliya ma ahan maareen la’aanta waqtiga kala guurka ah ee sidoo kale waxaa ka jira amni darro, abaaro xoog leh iyo cudurka Covid-19.