AMISOM oo damaanad qaaday lana wareegtay amniga Teendhada Afisyooni

Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, ayada oo xiriir la sameysay qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada una damaanad qaaday amniga Teendhada Afisyooni oo maanta la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka.

Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo qeybaha kale ee saamileyda in Amisom oo kaashaneysa saaxiibadeeda ay diyaarisay tallaaboyinka lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya in kulanka uu ku dhaco deegaan nabdoon oo la la sugay oo dhammaan dhinacyada ay ku dareemi karaan deganaan ay uga qeyb-galaan,” ayuu yiri Madeira.

Tallaabada caadiga ah ee uu qaaday Madeira ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu ciidamo badan geeyo garoonka, taasi oo walaac ay ka muujiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay wareysi siiyey BBC ayaa yiri ““Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday.”