Maxaa kasoo baxay kulankii FARMAAJO iyo madax goboleedyada taabacsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale madax goboleedyada la safan, kaas oo xalay saq-dhexe ka qabsoomay xarunta Villa Somalia.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in hoggaanka Villa Soomaaliya & dhinacyada kale ee la safan ay ka wada-hadleen shirka lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Afisyooni.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan ay diiradu saareen sidii ay ajendi ay ku mideysan yihiin ula tegi lahayeen shirkan oo ah mid xasaasi ah, loogana arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Dhankooda madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & musharraxiinta mucaaradka ayaa iyaguna yeeshay kulamo horudhac u ah midka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeyndaabka Xalane, kaas oo ay garwadeen ka tahaya beesha caalamka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha si aad ah loogu hayaa shirka ka dhacaya Teendhada Afisyoono, kaas oo ay amnigiisu la wareegtay AMISOM.