Xiisadda siyaasadeed ee PUNTLAND oo kasii dartay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in ay sii laba kacleysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Puntland, taas oo u dhexeysa madaxtooyada, gaar ahaan kooxda madaxweyne Saciid Deni iyo baarlamaanka maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegey in natiijo la’aan uu kusoo dhammaaday kulan u dhexeeyey madaxweynaha & guddoomiyaha golaha waskiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo looga hadlayey khilaafka u dhexeeya madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Xiisadda ayaa ka dhalatay mas’uuliyiinta uu madaxweyne Deni u magacaabay maxkamada sare ee Puntland, taas oo ay ka biyo diideen xildhibaanada, isaguna uu mar labaad soo magacaabay, kadibna lagu sii celiyey golaha oo iyaguna markale diiday meel-marintooda.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen, ilo wareedyadu Saciid Deni oo kaashanaya kooxdiisa madaxtooyada qaabilsan ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu ku doonayo inuu ku dhabar jabiyo guddoomiyaha iyo xildhibaanada taabacsan, isaga oo ku bilaabay kala fur furis.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu xalay qaabilay xubnaha baarlamaanka ka soo gala dhinaca Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuuna kala hadlay dajinta xiisadda taagan.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii xildhibaanadaas ay qayb uga noqon lahaayeen xal u halista muranka ka dhashay magacaabista xubnaha garsoorka.

Saciid Deni ayaa u muuqdo inuu weli ku adkeysanayo wareegtadii uu ku magacaabay mas’uuliyiinta maxkamadda sare, balse ay ka diideen xubnaha golaha wakiilada, wuxuuna doonayaa inuu meel-mariyo xubnahaas oo laba jeer ay kusoo celiyeen xubnaha wakiilada.

Sikastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, balse xiisaddaan ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.